U hel jawaab su’aalahaaga ku saabsan Sharciyada Shaqooyinka Seattle.

Laga bilaabo bisha koobaad maalinteeda koobaad sanadka 2017 mushaharkaaga ugu yar wuxuu ku tiirsanyahay Inta ee la egtahay baaxada shirkada aad u shaqaysid iyo gunnooyinka ay bixiyaan.
Shaqaalaha Shirkadaha Waaweeyn (oo leh shaqaale gaaraya 501 ama kabadan dhamaan wadanka oo dhan)

Hadii Shaqadu aysan ku siinin caymis, mushaharkaga ugu yar waa $15 doolar saacadii.

Hadii shaqadaada ay kusiiso caymis waafaqsan xeerarka daryeelka caafimaadka heerkiisa silverka – kaasoo shaqadu ay bixineyso 70% ceymiska guud – aadna isticmaasho caymiskaas mushaharkaaga ugu yar waa $13.50 saacadii.

Shaqaalaha shirkadaha yaryar (oo leh shaqaale gaaraya 500 ama inka yar dhamaan wadanka oo dhan)

Hadii aadan helin baqshiish markay u yaraato $2.00 saacadii iyo caymis caafimaad ugu yaraan mushaharkaagu waa inuu ahaadaa $13.00 saacadii.

Hadii aad hesho ugu yaraan $ 2.00 saacadii oo baqshiish ah iyo caymis caafimaad. Ugu yaraan mushaharkaagu waa inuu ahaadaa $11.00. saacadii.

Wali Waxaa qasab ah inaad isu gayn hesho $13 dollar saacadii marka la isu geeyo mushaharka,baqshiishka iyo gunnada caafimaadka ee lagu siiyo.

Sharciga ku aadan cusboonaysiinta mushaharka ugu yar ee lagu shaqeeyo waxa uu u ogalaanayaa shaqooyinka inay siyaadiyaan mushaharka marba marka ka danbaysa sanadada soo socdo oo dhan. Mushaharka ugu yar wuu siyaadi doonaa inyar inyar bisha kowaad maalinteeda koowaad sanadka 2017. Laakin way kala duwanaan doontaa sida ay shaqadu wax u bixiso ayada oo ay ku tiirsan tahay inta shaqaale shirkadu haysato iyo in ay caamifaad bixiyaan. Shirkadaha yar yar oo dadka ka shaqeeyaa ay gaarayaan ilaa iyo 500 oo qof ama in kayar waqti bay ku qaadan doontaa inay mushaharkay siinayaan dadka ay noqoto $15 dollar, halka shirkadaha waa wayn oo bixinaya caymis caafimaad ay gaari doonaan inay bixiyaan $15 marka la gaaro bisha koowaad 2017.

Hadii aad ka shaqayso Seattle gudaheeda ugu yaraan labo saacadood labada todobaad ee lacagta la isa siiyo, waa in lagu siiyaa mushaharka Seattle. Hadii laakiin aad Seattle ku marto socod xiliga shaqada laakiin aysan ahay inaad shaqo u istaagto ma lagu siinayo mushaharka Seattle. Waxa ugu wanaagsan inaad saacadahaaga la socotid si aad u cadayso in aad Seattle ka soo shaqaysay.

Mushaharka ugu yar gobolka Washington waa $9.47 saacadii meelkasta markii laga reebo magaalada Seattle.Mushaharka fadaraalka ee ugu yar waa $7.25 saacadii.

Waxaad wici kartaa xarunta Fair Work Center. Number kooduna waa 1-844-485-1195. Waxaad kale oo aad booqan kartaa boga internet-ka ee Xafiiska Xeerarka Shaqaalaha Seattle. (Seattle Office of Labor Standards website)

PSST waxay dhamaan u ogalaanaysaa shaqaalaha ka shaqeeya Seattle in ay qaatan waqti markay xanuunsan yahiin iyo markii reerkooda cidi ka xanuunsanayso iyadoo mushahar koodana qaadanaya Waqtiga ay shaqada ka maqan yihiin.

Shaqooyinka ay ka shaqeeyaan ugu yaraan shan qofood oo shantuba ay shaqeeyaan saacada buuxa, Cid kasta oo shaqaalaa waxay xaq u leeyihiin in la siiyo mushahar markay xanuunsan yihiin iyo iney helaan waqti u dhigmo. Taas oo ay ku jiraan shaqaalaha shaqeeyo saacada buuxa, saacado dhiman iyo kuwa ku shaqeeyo si kumeel gaar ah.

Cid kasta oo joogta goob shaqo oo ay ka shaqeeyaan shaqaale gaaraya 5 qof ama kabadan waxey helayaan mushaar xiliyada ay shaqada fasax ku maqanyihiin sanadka gudihiisa. Waxaa wax lagu siinayaa mushaharka fasaxa waa saacadaha aad samaysay ee ma aha maalmaha.

Isla markii aad shaqo bilaawdo shaqo waxaa kuu bilaabanaya inay kuu u ruuraan saacadaha mushaarka fasaxa, Si kastaba ha ahaate fasax ma qaadan kartid ilaa aad shaqada ka shaqaynaysay ugu yaraan 180 maalmood midaas oo u dhigmata 6 bilood.

Markaad xanuunsanayso oo aad qaadato waqti maqnaanshaha,waxaa lagu siinayaa saacadii intaad qaadan jirtay, Kamana yaraan karto inta ugu yar mushaharka laga qaato Seattle Markaad shaqada uga maqantahay xanuun. Shaqadadu kuma siinayso baqshiish kaad heli jirtay ama dhac dhacii kale intaad shaqada ka maqan tahay ood xanuunsanaysay.

Shaqaalaha u shaqeeya shirkadaha yar yar waxa ay helayaan 1 saac oo lacagteeda la siinayo marka ay shaqeeyaan 40 kii saacadood. Ama waxuu lee yahay 1 saac markuu todaad kii shaqeeyo. Shaqaalaha ka shaqeeya shirkadaha waa wayn wuxuu lee yahay 1 saac lacagteed markuu shaqeeyo 30 saacadood todobaad kii.

Tusaaale: Hal saac ayaad leedahay afartan kii saacadood ee aad shaqayso asbuuci. Waxaad ku dhufataaa 52 asbuuc sanadkii waa (1 x 52 = 52 / 8 hours per day) = 6.5 PSST maalmood sanadkii.

Tusaale: Hal saac baad lee dahay sodonkii saacadood oo aad shaqayso asbuuciiba, waxaad ku dhufataa 52 usbuuc sanadkii. Midaa macnaheedu waxa weeye hadii aad u shaqeeyso shirkadaha waa weyn boqolkiiba 25 ayuu dhaqsi kuu uruurayaa lacagta aad adigoo fasax ah qaadato markii loo eego markaad u shaqayneysid shirkadaha yar yar. Waxaad helaysaa qiyaastii 8 maalmood sanadkii hadii aad u shaqeyso shirkadaha waa wayn oo aad qaadan karto lacagta fasaxa markii aad xanuunsantahay.

Sharcigu waxa uu kuu tixigelinayaa qoys ahaan marka laga hadlayo PSST xaaskaaga,waalidkaaga, caruurtaada, ayeeyadaa ama awoowgaa, iyo qofkasta oo ay da’diisu wayntahay oo aad wadaagtaan dhiig ama xag guur aad qaraabo ka tihiin.

Hadii aad rabto inaad qaadato maqnaasho mushaarkaaga kuu socdo in ka badan sadex maalmood oo xiriir ah, shaqadaada waxay ku waydiin kartaa cadeyn. Xaaladaas waxaa uga kaaftoomi kartaa inaad keento rajeeto dhaqtar.

Waqtiga kuu dhigmaya ee hoos yimaada PSST waxaa loola jeedaa inla isticmaalo markii waqti uu kula soo gudboonaado ood xaalad ku xalinayso. Sida markii laba qof oo wada nool is dagaasho, markii qof la fara xumeeyo, ama qof uu iska kaa daba galo midan ha ahaato mida adi kula soo gudboonaatay ama haysata qof reerkaaga ka tirsan. Hadii ay kula soo gudboonaato xaalad caafimaad ama arin deg deg ah oo ku saabsan nabadgelyada sida dhacdo ka dhacday iskuulka caruurtaada waxa uu sharcigu kuu ogolaanayaa inaad hesho fasax lagu siinayo musharkaada (paid leave).

Shaqadu kuguma dhibaatayn karto ama lagaama cayrin karo shaqada hadaad qaadato waqtiga laguugu talagalay in mushahar lagugu siiyo adoo shaqada ka maqan. Mana kuu xisaabin karaan inaad shaqada isaga maqnayd oo kale adoon haysan wax sabab ah.Ilaa hadii qofka shaqaalaha laga arko calaamado cad cad oo xadgudub ah sida inuu qaato maalmo badan isaga oo aan u hayn cadeyn la aqbali karo, markaas shaqaada waxay kaa qaadi karta talaabo sharci ah.

Waxaad wici kartaa oo aad u gudbin kartaa cabashadaada xafiiska u dooda xuquuqda shaqaalaha ee Seattle. Sidoo kale waxaad wici kartaa Fair Work Center oo aad ka wici karto 1-844-485-1195 hadii aad rabto caawimaad.

Mushaharka oo la iska xado waxa weeyaan markii shaqada ay kaa la harto lacagta intaad shaqaysay oo dhan ama qaar keed. Midaan waxaa ka mida ah saacada dheeradka ee aad shaqaysay, baqshiiqkaaga waana marka shaqaaluhu dhameeyay shaqadiisii kasbadna mushaarka. Waqi horay aad u shaqaysay oo aan lagu siinin.

Shaqadu waa inay shaqaalaheeda siisaa mushaharkooda oo buuxa, midaas oo ay ku jirto Baqshiiqka, saacadaha dheeraad ka ah ee ay shaqeeyeen. Markastana waa in mushaharkoodu yahay inta ugu yare ee la isa siiyo. Shaqadu waa inay ku xafidaa araajideeda dhamaan mushaaraadkii ay bixisay ugu yaraan sadex sano. Iyo shaqadu in ay siiso shaqaalaha faah faahin ku saabsan inta eey la egtahay lacagta eey shaqeeysteen iyo wax yaabaha laga jaray xili walbo oo eey qaadanayaan mushaaraadkooda.

Haa, Cabasho waad gudbin kartaa ku saabsan sadexdii sano ee ugu dambeysay.

Xafiiska Xeerarka Shaqaalaha ee Seattle waxa uu baari doonaa cabashadaada. Hadii ay helaan in mushaharkaaga lagaa xaday waxay amar ku siin donaan shaqada inay ku siiso mushaharkaagii iyo baqshiishkaagii ayadoo ayna kuu saari doonaan lacag dheeraad ah lagana yaabo inay ganaaxaan. Xaaladaha qaarkood hadii ay yihiin kuwo Qatar ah, pooliiska ayaa baari doona shaqada dadka masuulka ka ah waxaa macquul ah inay xabsi loo taxaabo.

Waxaad la xariiri kartaa Fair Work Center uu yahay teleefankeedu 1-844-485-1195.

Sidoo kale waxaad booqan kartaa boga ama mareegaha Xafiiska Xeerarka Shaqaalaha ee Seattle.

Shariciga (Fursadaha shaqada waa loo siman yahay oo loo yaqaan inta badan ‘ban the box’) wuxuu mamnuucayaa in loo shaqeeyaha uu marka ugu horeysa waydiiyo qofka shaqadoon ka ah in waligiis la xiray ama weligiis uu dambi galay. Loo shaqeeyaha wuxu waydiin karaa qofka shaqo doon ka ah arintaas marka uu ku jiro howsha arjigiisa, balse hadii uu go’aansado inuu ugu diido shaqada wax la xariir arimahaas waa inuu sheegaa sababo la aqbali karo.Sharcigaan waxaa loogu talo galay in lagu caawiyo dadka horay dambiyo usoo galay si ay uhelaan wado ay ku raadsadaan fursadaha shaqo. Taas oo sabab u noqon karto in dambigii uusan dhicin mar labaad.

Marka ugu horaysa ee qofka shaqaalaha uu marayo jawiga shaqa raadinta looma ogala shaqadu inay waydiiso haday wax danbiya ah ay horay u soo sameeyeen laakin markay u diraan inay soo baaran qofkan wuxuu yahay way waydiin karaan danbiyaduu horay u soo galay. Hadii aadan laheeyn wax yaabaha looga baahan yahay shaqada, waa loo ogal yahay shaqada inay kugu daraan dadka aan la shaqaalaysiin oo ay kaa saanraan codsade yaasha shaqada.

Hadii aad danbiyo horay usoo gashay xaqbaad u leedahay inaad faah faahin ka bixiso sida wax u dhaceen intayna shaqadu arjigaaga aysan ka dhex tuurin arjiyada kale.

Waxaad wici kartaa Fair Work Center inay ku caawiso taleefan kooda oo ah 1-800-485-1195. Waxaad kaloo la xiriiri kartaa cabasha daadana u gudbin kartaa Xafiiska Xeerarka Shaqaalaha ee Seattle.

Still have questions about your rights?

We can help.